Ministry of labour and social affairs

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada XFS Mudane Xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen. ayaa soo xirey kulanka waddatashiga ee isku-xirka shaqo-doonka iyo loo shaqeeyaha.

Wasiir Dowlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen, ayaa soo xirey kulanka waddatashiga ee habka casriga ah ee isku-xirka shaqo-doonka iyo loo shaqeeyaha. Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb-galay qaar kamid ah hay’adaha dowladda, Rugta ganacsiga, xiriirka urrurada shaqaalaha Soomaaliyeed, bankiyada, shirkadaha isgaarsiinta iyo urrurada bulshada rayidka ah. Xubnaha Kasoo qaybgalay kulanka ayaa soo dhaweeyay nidaamkaan oo aad loogu baahna sidoo kalena talooyin ku biiriyay qaabka uu noqon doono nidaamka casriga ah, kaas oo isku xiri doona loo shaqeeyaha iyo shaqo-doonka. Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa ugu mahadceliyey kasoo qayb galka kulankan isagoo ku booriyay in laga wada shaqeeyo horumarinta fursadaha iyo jihaynta shaqaalaysiinta dhalinyarada Soomaaliyeed. Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo shaqo-abuurka dhallinyarada, kobcinta garaadka iyo fursadaha shaqo ee dalka Soomaaliya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

48 + = 58

Scroll to Top