Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan. Ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ee Qaramada Midoobay Mudane George Conway.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Deegaanka iyo Bini’aadanimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kordhinta Mashaariicda barnaamijyada ilaalinta bulshada(Social Protection), kor u-qaadista fursadaha shaqo abuurka iyo xirfadaha farsamada gacanta. Kulankan ayaa wasiirka waxaa ku wehliyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah la-taliyaasha Wasaaradda shqada iyo Arrimaha Bulshada.  

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

− 6 = 3

Scroll to Top