Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Maxamed Adan, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yusuf Wadani ayaa si wadajir ah u wada qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee (SoDMA),

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Maxamed Adan, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yusuf Wadani ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee ku saabsan daryeelka dadka nugul, sidii loo hagaajin lahaa qaababka waxqabad ee lagu wajahayo saameynta uu keeno isbeddelka cimmilada, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa baahiyaha bulshada. Intii uu socday kulanku, waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in la dhiso koox farsamo oo ka shaqeysa dejinta habraacyo cad iyo istiraatiijiyado wax ku ool ah oo lagu xoojinayo iskaashiga mustaqbalka ee labada dhinac.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

9 × = 9

Scroll to Top