Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa booqosho ku tagey xarunta diyaarinta qorshaha isbedelka Qaranka isagoo kormeeray sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday hirgelinta qorshe ballaaran oo loogu talagalay in la dardargeliyo horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo abuurka ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Qorshahan oo lagu magacaabo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, ayaa ah mid lagu doonayo in Soomaaliya laga hirgeliyo isbeddel muuqda oo la taaban karo oo dhinaca wax soo saarka, shaqo abuurka, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ah.
#NTPSomalia2029
#QorshahaIsbedelkaQaranka