Ministry of labour and social affairs

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa maanta magaalada Muqdishu ka furay kulanka guddiga haggidda mashruuca (SEIP Project),

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane xildhibaan Caynaanshe Yuusuf ayaa maanta magaalada Muqdishu ka furay kulanka guddiga haggidda mashruuca kor loogu qaadayo tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee (SEIP Project), kaas oo ay fulineyso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS.   kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin caqabadaha iyo fursadaha jira muddadii sannadka ahayd ee uu shaqaynayay mashruuca. Dhanka kale Guddiga ayaa meel mariyay qorshaha iyo miisaaniyadda sanadka 2025 ee mashruuca si waafaqsan odoroska kharashaadka howlaha mashruuca.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

9 ÷ = 3

Scroll to Top