Ajandaha Kulanka ayaa ahaa waydiin oraaheedyo ku saabsan Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay xubnaha guddigu ku howlanaayeen sixitaankiisa muddooyinkii danbe, islamarkaana ay ku soo sameeyeen siiqayn, iyo turxaan bixin isla markaana sameeyeen la-tashiyo dhinac walba ah.
kulanka oo uu shir-guddoomiyay guddoomiyaha guddiga Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) ayay xubnaha guddigu Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Masuuliyiinta kale ee la socday wax ka waydiiyeen, su’aalo dheeraad ah iyo fasiraad qodobada qaar oo ay uga baahdeen sharciga, halka wasiirkuna mid mid uga jawaabay su’aalihii ay qabeen xubnaha Guddigu.
Ugu dambeyn, Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS ayaa guddiga Baarlamaanka uga mahadceliyay sida ay waqtigooda u geliyeen howsha turxaanbinta sharciga shaqada iyo meelmarinta sharciga (Somali Labour Code).