Ministry of labour and social affairs

Wasiiru ku-xigeenka wasaaradda shaqada XFS Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa manta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirka guddiga farsamo ee tala-bixinta heer Qaran ee arrimaha shaqada doolka (National Technical Advisory Committee),

Wasiiru ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirka guddiga farsamo ee tala-bixinta heer Qaran ee arrimaha shaqada doolka (National Technical Advisory Committee), oo socon doono muddo sedex maalin ah. Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta maareynta socdaalka, wax ka qabashada caqabadaha socdaalka Shaqaalaha ee gudaha iyo Dibadda Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan, qulqulka dadka soo laabanaya, iyo socdaalka aan joogtada ahayn. Shaqada guddiga farsamo ee tala-bixinta heer Qaran ee arrimaha shaqada doolka waxay la socotaa dadaallada caalamiga ah ee ballaaran ee socdaalka Shaqada waxayna ujeedadeedu tahay in la kobciyo iskaashiga dalalka deriska ah iyo bulshada caalamka si loo hubiyo in hanaanka Shaqada uu yahay mid waafaqsan  Xeerarka Caalamiga ah.. Kulankan waxaa kasoo qaybgaley qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxaha wasaaradda, la-taliyaal sare, iyo wakiilo ka socday wasaaradaha kala ah Arrimaha Gudaha, Dibadda, Haweenka, Hay’adda Istaatistikada Qaranka, iyo madax ka socotay hay’adda IOM.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

85 + = 91

Scroll to Top