Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, iyo Wasiirrada Shaqada ee Dowlad Goboleedyada dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed si loo horumariyo adeegyada Arrimaha bulshada iyo barnaamijyada shaqo abuurka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaallada ay Wasaaraduhu ka wadaan Shirka Wadatashiga ee magaalada Baydhabo, kaas oo ujeeddadiisu tahay dejinta siyaasado mideysan oo lagu horumarinayo shaqada iyo arrimaha bulshada. Waxa uu ku booriyay Wasaaradaha inay xoogga saaraan hirgelinta natiijooyinka kasoo baxa shirka si bulshada Soomaaliyeed uga faa’iideysato.
