Kampala, Uganda, Febraayo 2025: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan ayaa maanta magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb-galay shirka 6-aad ee Madasha Wasiirrada Socdaalka Heer Gobol (The 6th Regional Ministerial Forum on Migration for East and Horn of Africa (RMFM), kaasoo socday muddo seddex maalin ah.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray intii uu socday xoojinta iskaashiga, kobcinta hal-abuurka iyo arrimaha la xiriira socdaalka shaqaalaha, ilaalinta bulshada, iyo sare u qaadidda wax ku biirinta muhaajiriinta ee horumarinta Bariga iyo Geeska Afrika si loo gaaro socdaal waara.
Wasiirka oo khudbad kooban ka jeediyay madasha aya la wadaagay guulaha ay gaartay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha la xiriira socdaalka oo ay ka mid yihiin dhaqan-galka xeerka shaqada Soomaaliyeed (Somali Labor Code) oo dhawaan Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan sheekh Maxamuud saxiixay, sidoo kale dhameystirka siyaasadaha socdaalka iyo ansixinta Siyaasadda Qaran ee Shaqaalaha Doolka (National Labour Migration Policy)
Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirada Shaqada ee 11 wadan oo ku yaalla Bariga iyo Geeska Afrika, wakiilo ka kala socda Urur Goboleedka IGAD, Bulshada Bariga Afrika (EAC), Komishanka Midowga Afrika (AUC), deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya siyaasadda shaqada iyo ilaalinta bulshada.








