Ministry of labour and social affairs

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa magaalada muqdisho ka daahfuray tababar muhiim ah oo lagu xoojinayo kormeerka goobaha shaqada.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tababar muhiim ah oo lagu xoojinayo kormeerka goobaha shaqada. Tababarkan oo heerkiisu sareeyo, ayaa loo qabtay qaar ka mid ah howlwadeennada wasaaradaha shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer maamul gobaleed iyo heer federaal, iyo sidoo kale ururada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha. tababarkani waxa uu muhiim u yahay sidii loo horumarin lahaa kormeerka goobaha shaqada ee ka jira qataraha, si loo hubiyo in shaqaalaha ay ku shaqeynayaan xaalado ammaan ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 + 3 =

Scroll to Top