Ministry of labour and social affairs

Wasiirka wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka qeybgalay Shirweynaha 5-aad ee ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan ayaa ka qeybgalay shirweynaha 5-aad ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), kaas oo uu furay Ra’iisul wasaare ku-xigeeenka labaad ee dalka, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali. Wasiir Yuusuf ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ka go’an tahay horumarinta sharciyada shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha. Wuxuu sidoo kale xusay in guulaha wasaaraddu ka mid tahay meelmarinta Xeerka Shaqaalaha Soomaaliyeed, oo uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Shirka waxaa ka qeybgalay wasiirro, xildhibaanno, wakiillo ka socday 12-ka urur ee xubnaha ka ah FESTU, iyo in ka badan 300 ergo, iyadoo sidoo kale ay joogeen daneeyayaal caalami ah iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

− 7 = 1

Scroll to Top