Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kormeeray waaxayaha Wasaaradda

  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan ayaa maanta kormeeray waaxyaha iyo qaybaha xarunta Wasaaradda ee ay ku shaqeeyaan howlwadeennada, iyadoo ay weheliyeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Xildhibaan Caynaanshe Yuusuf, iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud, Marwo Sucaad Cabdullahi. Wasiirka ayaa inta uu kormeerka ku jiray wuxuu la kulmay Agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada, isagoo u-kuurgalayay shaqooyinka muhiimka u ah bulshada iyo qaranka ee ka socda xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Soomaaliya mas’uul uga ah horumarinta shaqaalaha Rayidka Dowladda, Shaqo abuurka iyo horumarinta arrimaha Bulshada. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la joogteyn doono la socodka howlaha shaqo ee waaxyaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

60 + = 63

Scroll to Top