Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta booqosho shaqo ku tagay Machadka Tababarada Qaranka (School of Management and Public administration-SMPA).
Agaasimaha Machadka Tababarada Qaranka, Mudane Bashiir Ciise ayaa si guud ugu war bixiyey shaqooyinka uu qabto machadka asigoo la wadaagay Wasiirka baahiyaha shaqaalaha ay u qabaan kobcinta aqoontooda iyo xirafadooda shaqo.
Ugu dambayn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa boggaadiyay tababarada iyo shaqooyinka qaran ee uu Machadku u hayo ummadda Soomaaliyeed isagoo balan qaaday in ay wasaaraddu markasta kormeer iyo korjoogteyn doonto shaqada ka socoto machadka.