Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta oo khamiis ah ku qaabilay xafiiskiisa, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee aynu walaalaha nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyey sidii loo abuuri lahaa barnaamijyo shaqo abuur ah, kuwaasi oo ay ka faa’ideysan karaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo arrimo la xiriira tababaro lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dawladda.
Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane, Yuusuf Wadani iyo qaar ka mid ah la-taliyaasha wasaaradda.