Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane xil. Yuusuf Maxamed Aadan ayaa manta ka qeyb galay akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya (Somali Labour Code).

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyay akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. Xeerkani wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo xuquuqda shaqaalaha iyo in loo abuuro jawi shaqo oo cadaalad ah, oo ku saleysan mabda’a sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha. Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin goobaha shaqada, iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka. Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS ayaa Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka uga mahadceliyay sida ay waqtigooda u geliyeen howsha turxaanbinta sharciga shaqada iyo meelmarinta sharciga (Somali Labour Code).

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

60 ÷ = 15

Scroll to Top