Wasiirka wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xil.Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray sheybaar cusub oo casri ah kaasoo loogu talagalay horumarinta badqabka goobaha shaqadda iyo shaqaalaha.
Sheybaarkan oo ah midkii ugu horreeyay ee tayadiisa oo kale leh, waxa uu leeyahay shahaadooyin caalami ah. Xaruntaan oo ay hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed kuwaasoo ay ka go’an tahay yareynta khataraha ka dhaca goobaha shaqada iyo horumarinta adeegyada badqabka goobaha shaqada iyo shaqaalaha.
Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xaruntaan, kuwaas oo bixiya adeegyo muhiim ah sida:
- Baaritaanka iyo hubinta badqabka goobaha shaqada iyo shaqaalaha, iyo agabka.
- Tababarida shaqaalaha ee xirfadaha la xiriira badqabka goobaha shaqada.
- Cilmi baaris iyo diiwangalinta goobaha Shaqada.
- Hubinta dhacdooyinka khataraha ee ka dhaca goobaha shaqada.