Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta xafiiska wasaaradda ku qaabilay Ururka lagu magcaabo (Somali Business Support Network), kaasi oo ah urur ay ku middaysan yihiin Hay’ado badan oo ka shaqeeya shaqooyinka farsamada gacanta.
Kulanka ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo wadashaqeyn joogto ah, sidoo kale ururka ayaa la waddaagay Wasiirka fursadaha iyo caqabadaha ka jira suuqa shaqada, gaar ahaan fursadaha dhanka shaqooyinka farsamada gacanta ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.
Ugu dambayntii, Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa boggaadiyay ururka (Somali Business Support Network) shaqada wanaagsan ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed wuxuuna balan qaadey inuu xoojin doono wada-shaqeynta iyo waddajirka ururka iyo Wasaaradda.