Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan oo uu wehliyo Wasiir-Dowlaha Wasaaradda, Mudane Xildhibaan Caynaanshe Yuusuf ayaa maanta booqdey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ) isagoo u kuur galey shaqooyinka muhiimka ah ee halkaas ka socda.

Wasiir Yuusuf ayaa kormeeray laabka arrimaha bulshada oo shaqo baaxadleh ay ka socoto, waxaana warbixin ka dhageystay qubarada iyo mas’uuliyiinta howshaas gacanta ku haya isagoo kula dardaaramay in ummadda Soomaaliyeed ay ka sugeyso inay soo saaraan qorshe anfaca mustaqbalka. Ku xigeenka xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Mudane Cabdirisaaq Cali Ibraahim ayaa wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada la wadaagay warbixinta qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo dhinacayada mudnaanta leh ee la doonayo in ay helaan maalgashi wax ku ool ah si loo gaaro Isbeddel dhaqaale oo la taaban karo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

72 ÷ = 8

Scroll to Top