Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hindise sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde)
Xeerkani wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo xuquuqda shaqaalaha iyo in loo abuuro jawi shaqo oo cadaalad ah, oo ku saleysan mabda’a sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha. Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin goobaha shaqada iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka.
Xeerka Shaqada cusub wuxuu dhisayaa hannaanka seddex geesoodka ah (tripartite) ee Dowladda, Looshaqeeyaha, iyo Shaqaalaha.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa uga mahadceliyay Guddoonka aqalka sare iyo dhammaan xubnaha Golaha aqalka sare ansixinta Xeerka Shaqada Soomaaliya, kaas oo markii ugu horreysay 52 sano ka dib wax ka beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay. Xeerkani wuxuu la jaanqaadayaa hannaanka dawlad dhiska, ganacsiga xorta ah ee dalka ka hanaqaaday, iyo xaqsiinta shaqaalaha oo waafaqsan Diinta Islaamka iyo Xeerarka Caalamiga ah ee Shaqaalaha.