Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa maanta oo Isniin ah kulan gaar ah la yeeshay safiirka dalka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sharafeed ku yimid xarunta wasaaradda.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal ah ee […]