Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan oo uu wehliyo Wasiir-Dowlaha Wasaaradda, Mudane Xildhibaan Caynaanshe Yuusuf ayaa maanta booqdey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ) isagoo u kuur galey shaqooyinka muhiimka ah ee halkaas ka socda.
Wasiir Yuusuf ayaa kormeeray laabka arrimaha bulshada oo shaqo baaxadleh ay ka socoto, waxaana warbixin ka dhageystay qubarada iyo mas’uuliyiinta […]





